Discover words
Domains
View all →Geology
24 words
Noun
(-gag-qabow, m.l) Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.
Noun
Dhuxul- dhagaxeed adag oo madow oo dhalaala oo ah dhuxusha ugu heerka sarraysa oo ay ku jiraan qiyaasta ugu yar ee biyo iyo maatarka aan xasilloonayn, iyo heerka xaddidan ee u sarreeya ee urkaarboonka.
Noun
(waayahii ..., m.l) Waagii hore ee nolosha, waa kan ugu horreeya saddex qaybood ee waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeyay kambiriyan-ka-horreeyaha). Kolkaas oo muddooyinka taariikhda dunida ka mid ah kana horreeyay waagii mesosooigga wuxuu kalabaxsanyahay laga billabo 600 oo milyan ilaa 200 oo milyan oo tagtay. waagii
Noun
Dhul siman oo webi saaran oo ka samaysmay tuullimaadyada xaabka webigu uu sido.
Noun
Dariiqadda qaadidda ama dhaqaajinta barafweynaha dhalaala amase uu ku dhaco uumibax amase barafburbur.
Noun
Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Noun
(waayahii ..., m.l) Waa jiyoolojiyeed oo baraf gogollo ah iyo baraf weyneyaal ay dabooleen badad badan oo qaaradaha ah, meelaha qaarkoodna barafku wuxuuba gaaray badaha, wuxuuna hoos u dhigay heerkulkii badweyneyaasha. waagii
Noun
Dhadhaabo midabkeedu madow yahay, wiriqaheeduna yaryaryihiin, ka abuurma ciid raran ah oo ka soo gufaacda burkaanta oo qabowday ee adkaatay.
Noun
Dhuxuldhagax madowdhalaal ah; 75% ilaa 92% oo ka mid ahiba waa kaarboon; 4.5% ilaa 5.6 % waa haydarojiin. Sida caadiga ah, waxaa loo yaqaan dhuxul guri. B. waa dhuxul-dhagax heer sare ah oo ka darajo sarraysa lignaytka, kana darajo hooseysa antarasayt. Waa dhuxul dhagaxda ugu badan uguna muhiimsan ee la helo iyadoo siyaabo dhawr nooc ah u jirta, sida dhuxulkook iyo dhuxulneefeed.
Noun
Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka 92 biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
Noun
Dhicidbiyood degdeg ah, badanaa waxa sameeya sal dhadhaab adag ee marin webi, oo ufug ah ama tiiro hoosaad deggan, oo dul yaal dhadhaab jilicsan.
Noun
Meel ama meelo isdaba taxan oo ah biyo shub ama biyo shubyo aan sidaa u waaweynayn.
Noun
Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan.
Noun
Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.
Noun
Laan ka mid ah juqraafiga dabiiciga ah oo ku taxaluqda kala sarraynta dhulka, iyo gaar ahaan hababka buuraha. cilmiga
Noun
Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka.
Noun
Lakab dhadhaab ah oo ka hooseeya oogada dhulka, kaas oo ka kooban 133 dhadhaabo cufnaantoodu ay ka sarrayso kuwa oogada dhulka, waxaana kala saara carrojiifka iyo oogada dhulka la yiraahdo moho; gunta dhererka carrojiifku wuxuu gaarayaa ilaa 2,900 Km. (1,800 mayl) ka hoos dhulka dushiisa. Carrojiifka isagana waxaa ka hooseeya xuddunta.
Noun
Il-biyood dhulka hoostiisa ah oo lagu helay riig oo laga qoday oogada dhulka ilaa oogada biyaha hoose, biyahaa waxa markaa loo soo saaraa ama loo soo afuufaa oogada dhulka. Haddii ceel ka hoos maro oogada biyaha hoose xilliga qoyaanka, oo aanu aad hoos uga dhicin oogada biyaha hoose ee joogtada ah, wuxuu biyo yeelanayaa xilliga qoyaanka, haddii uu gaaro oogada biyaha hoose ee joogtada ah, dabadeed weligii biyo ayuu yeelanayaa.
Noun
(-lal ..., m.l) Nooc ceelasha ka mid ah oo si joogta ah biyo soo saara; biyahaas waxaa kor u soo saara cadaadis ka yimid biyo fadhiya.
Noun
Walax adag ee qolofta dhulku ay si weyn uga samaysantahay; walaxdaas oo ka kooban macaadin; mararka qaarkood waxay ka koobantahay hal macdan oo kaliya, laakin sida badan waxay ka koobantahay dhawr macdannod.
Noun
Dhadhaabaha iyagoo dulal leh awgeed, biyaha u oggolaada, tusaale biyaha roobka, inay dhex galaan dabadeedna ka dhex dusaan; tusaale fiican waxaa u ah dhadhaabaha noocaan ah dhagax la yiraahdo dhagax bataax.
Noun
Dhaqxaan u tuulmay dhadhaab salceedyo, badanaa lakabeedyo (sida, biyaha hoostooda) oo sameeya midka mid ah saddexda nooc ee waaweyn ee dhadhaabaha kuwaa oo sameeya oogada dhulka.
Noun
Dhagax adag amase waxyaalaha kale ee dabacsan ee ka hooseeya ciidda dhulka dushiisa. Mararka qaarkood dhagaxaas adag, boqolaal mitiir buu ka hooseeyaa dhulka dushiisa, hase ahaatee inta badan waxaa laga helaa meelo ka gun gaaban. Meelaha janjeerkood u ama tiiradoodu aad u sarrayso, dhadhaabo saleedku waa qaawanyahay oo ma laha ciid daboosha.
Noun
Dhagxaan ka timid magma dhalaashan oo adkaatay, waana mid ka mid ah saddexda nooc ee dhadhaabaha ee qolofka dhulku ay ka koobantahay.