Discover words

Browse A–Z

A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y

Zoology

13 words

dhiigga Zoology

Noun

Milanka ka soo hara markuu dhiig xargago. Seeramku waxay u dhigantaa balasmada, laakiin waxa ka maqan borotein la yiraahdo fibrinogen iyo walax kale oo hab hawleedka xargagidda loo isticmaalay.

dhuun-limf Zoology

Noun

(dhuumo ..., m.) Dhuumo u eg aroorayaasha, kuwaasi oo limf ka soo qaada nudaha kuna shuba aroorayaasha waaweyn ee wadnaha gala.

ganley Zoology

Noun

Dir ka mid ah faylam hoosaadka siliyofaara; xubnaha dirkana noloshooda oo dhan waxay leeyihiin gan.

garwadneed Zoology

Noun

Dhuun dhiigga ugu weyn ee laga helo lafdhabarleyda sare, kaas oo ka qaada dhiigga ogsajiinta leh wadnaha dhinaca caloolyarada bidix.

gooryaan-mulaax Zoology

Noun

Midkasta oo ka tirsan koox gooryaan ah oo kor dheer oo dhuuban leh, wuxuuna ku dul noolyahay xiidmaha dadka iyo lafdhabarleyda.

gudbiye Zoology

Noun

Noole, sida badan cayayaan oo ka qaada deriskunoole qof oo u gudbiya qof kale sidaas darteed ay cudur u keenaan. Sida kaneecadu u tahay gudbiyaha duumada, filaariyasiga iyo qandho dillaanta.

hakad-wadneed Zoology

Noun

Wejiga garaaca wadnaha ka dhex dhaca labada isku soo urur ee wadnaha, marka ay muruqyada wadnuhu dabcaan ee caloolyaradana dhiiggu ka buuxsamo.

jirraaqo Zoology

Noun

Nooc ka mid ah quraanyada waaweyn, madmadow, madax- yo waaweyn oo raxanraxan u socota; buu- lallo.

kutirsane Zoology

Noun

Xarriijinta ka samaysanta qayb ka mid ah dusha sallaxan ee toobin ama dhululubo summad: E. kutub m.l.w

mascadde Zoology

Noun

Nooc masaska ka mid ah oo midab cad leh.

masciideed Zoology

Noun

Nooc masaska halista ah ka mid ah oo leh midab dhiin ah oo badanaa jooga dhulka cadduunka ah.

shacaab-dhaliye Zoology

Noun

Xayawaan badeed yar oo duudkiisa intiisa badani ka samaysanyahay kaalsiyam kaarboonayt. Marka xayawaankaasi dhin-to, kaalshiyam kaaboonaydkii ku jiray duudkiisa baa sameeya dhagax shacaabi, shacaabigaasina wuxu sameeyaa jasiirado shacaabi.

wadnaha Zoology

Noun

Moqor uu ku yaallo wadnuhu. Dhinaca lafdhabarleyda waa qayb ka mid ah qaaxada oo ka soocan moqorka kalka ubucda.