fal
Explanation
-
1
(nax.) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tus. “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tus. “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tus. “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tus. “Gabadhu way wanaagsantahay”.
Other forms
Community contributions
No community contributions yet. Be the first to add one!
Sign in to contribute →