Discover words
Domains
View all →Botany
24 words
Noun
Geed nagaar faalala oo leh caleemo yaryar oo xanaf leh iyo miro kulkulucsan oo la cuno.
Noun
Eray badanaa lagu isticmaalo dalalka Ustaraaliya, Niyuusilaand iyo Maraykanka oo lagu isticmaalo gobol ay daboosho jidhi; amase, waxaa lagu isticmaalaa gobol dhiraysan oo aan loo bannayn qodaal. Waxaa kaloo si dabacsan loogu isticmaalaa gobol kasta oo dugag ah oo aan loogu talaggelin qodaal.
Noun
Xubin (dhir) qaybta dhulka ka hoosaysa ah, taas oo u suurta gelisa inuu noolaado xilli abuur ilaa xilliga ku xiga. Badhidu waa xiddo isbeddel ku dhacay oo jirrid gaaban oo ballaadhan leh. Tus. “Basal”.
Noun
Nooc dhirta ka mid ah, oo jirriddooda, caleemahooda iyo jidhahoodaba dheecaan ka buuxo. B.uhu waa dhir aad u jilicsan.
Noun
Geed weyn, laamo dhaadheer iyo caleemo dhuudhuuban oo midab casuur ah leh oo meesha uu ku yaal aysan kaneecadu imaan.
Noun
Geed yar oo caleemo iyo ubax udgoon leh oo guryaha, xafiisyada iwm lagu beero.
Noun
Geed nagaar faalala leh caleemo yaryar iyo bari macaan oo la cuno.
Noun
(-eemo ..., m.l) Caleenta iskudhisani waxay leedahay baabaca caleen u qaybsan caleen yarooyin girigirkoodu gaarsiisanyahay aroore caleenta.
Noun
Geedka lumiya ama ay ka hoobtaan caleemaha xilliyada qaarkood.
Noun
Geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola, waxyaalo badanna laga sameeyo, oo ka baxa agagaarka webiga.
Noun
Geed gaab ciinka u eg, aan caleen lahayn, laamo xubno leh yeesha iyo canano indhaha lagu daweeyo.
Noun
Geed gaab aan qodax lahayn, leh, laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo miro macaan oo la cuno, kana mid ah dhirta daawada leh.
Noun
Geed gaab laan-laan u baxa, qodxo dhaadheer, ulaha laga goosto oo qodxihiisu kurtummo leeyihiin.
Noun
(-ryo ..., m.dh) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka 239 dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.
Noun
Geed-quwaax ay raxanreebta isku bah yihiin oo leh qodax dhumuc weyn oo dheer iyo dheecaan dhammaajo ah.
Noun
Jaad geedaha ka mid ah aan qodax lahayn, caleemo yaryar oo laamo- laamo u baxa.
Noun
Geed-gaab leh dheecaan guduudan, laamo dhuudhuuban oo ka baxa dhulka jilicsan oo aan lahayn qodax.
Noun
Botani ahaan, nudaha u dhexeeya dubka sare iyo habdhiska kalli ee jirridaha iyo xididdada geedka.
Noun
Quraca dhallinta yar oo ulo jilicsan oo xoog badan iyo mayrax aad u cad oo wanaagsan laga helo.
Noun
Cawska xooluhu daaqaan kuwa ugu nafaqa badan mid ka mid ah, jilicsan oo meelaha biyo-qabatinka leh ka baxa.
Noun
Geed faalala oo leh xidido laga sameeyo xargaha adag sida dawliska iwm.
Noun
Geed leh caleemo yaryar, qodxo gaagaaban, ur silloon iyo asal guduudan; tarraxo.
Noun
Timir laf yar oo aad u macaan oo leh midab guduud madow xigeen ah.
Noun
Rimaygacmeed lagu sameeyo geedaha aan labaabshaha ahayn sida timirta iyadoo la goynaayo khaylka lab oo marka la qallajiyo lala dhaco khaylka dheddig oo geedkiisii ku yaal.